4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 22, 2022
Faysal Cali Waraabe oo xukuumada Somaliland ku eedeeyay maamul xumo

Sabti, October, 22, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa ku baaqay in madaxweyne Biixi layska qabto, isaga oo ku eedeeyay maamul xumo.

Faysal oo kasoo noqday safar dibadda ah, ayaa sheegay in maamulka Puntland uu adduunka u qayshaday oo wax laga qabtay abaarihii ka jiray deegaanadiisa, lakiin xukuumada Somaliland anay adduunka wax xidhiidha la lahayn, oo aan waxba laga qaban abaaraha.

"TV-kasta ood aragtaba waxa laga dayrinayaa arrinta Soomaalida Geeska Afrika dagan, waxan daawanayay barnaamij laga soo duubay maamulka Garoowe, oo uu kasoo duubay janalka Faransiiska ee France 24, dee waa loosoo gurmadoo waa dad dadkoodi ka naxay, oo iclaamiyay in ay abaari jirto inagu baylah ayaynu nahay" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu sheegay in xukuumada Somaliland anay wax xil ah iska saarin samatobixinta dadka abaaraysan, isla markaana anay adduunka la lahayn wax macaamil ah, dadkeedana anay xidhiidh la lahayn, oo ay ka go'antahay.

Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu Somaliland inqilaab ku sameeyay, isla markaana waxa uu dhiirigaliyay in ay beeluhu ka shiraan, isaga oo ku andacooday in loobahanyahay in Somaliland madaxweyne Biixi laga badbaadiyo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]