4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 22, 2022
Ciidanka dowladda oo Maanta howlgal qorsheysan ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Sabti, October, 22, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed  gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad oo kaashanaysa ciidanka dib u xureynta deegaanka ayaa Duhurnimadii Maanta weerar qorsheeysan ka fuliyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalka oo ahaa mid qorsheysan iney ciidamada ku dileen sadax xubnood oo kamid ah dagaalyahanada Al-shabaab, islamarkaana ay kasoo furteen qoryahoodii iyo gaari Nooha ah oo ay wateen.

Meydadka xubnaha Shabaab ka mid ka ahaa, hubkooda iyo gaarigii ay wateen ayay ciidanka dowladda kusoo bandhigeen degmada Maxaas oo aheyd halka markii hore ciidamada iskaashanaya ay weerarka qorsheysan ka qaadeen.

Xubnaha Shabaab ee weerarka qorsheysan Maanta lagu dilay ayaa la sheegay iney Al-shabaab u qaabilsanayeen dhinaca qaadista Canshuuraha Gaadiidka, waxaana sarkaalka u hadlay ciidanka dowladda uu sheegay in xubnaha la dilay uu ku jiro isu duwahii Canshuuraha degmada Moqokori u qaabilsana Shabaab oo magaciisa uu ku  sheegay Deeroow.

Howlgalkaan Maanta lagu soo dilay xubnaha Al-shabaab ka tirsana ayaa imaanaya iyadoo dhawaan uu guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan meel fagaare ah uu uga balan qaaday ciidanka dib u xureynta deegaanka iyo kuwa dowladda qofkii soo dila qof shabaab ah inuu siin doono lacag abaal marin ah.