4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 22, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo xarriga ka jaray dekedda Garacad


Sabti, October, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay dekaddan muhiimad weyn u leedahay isku xirka ganacsiga bariga Afrika. Wuxuu madaxweynuhu sheegay dowladda Soomaaliya inay diyaar u tahay fududaynta wax kaste oo kor loogu qaaday ganacsiga dekedda Garacad.

"Dhismaha dekeddani waa taariikhi. Dad Soomaaliyeed, ayaa isku geeyay xooggoodii, caqligoodii iyo xoolahoodii. Masaalixda deked laga helayo waxaa ka dheer casharka dadka Soomaaliyeed la tusiyay ee ah inay sidani suurtagal tahay,”ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhinaca kale sheegay in qaybtii ugu horaysay lacagta lagu dhisayo waddada isku xiri doontaa dekadda Garacad iyo Ethopia la soo oggolaaday oo meel la soo saaray.

Wuxuu sheegay inuu u taagnaan doono dhamaystirka jidkan, isagoo sheegay inuu ka soo horumari doona wakhtigii la filayay in lagusoo gabagabeeyay.