4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 22, 2022
Madaxweynaha Somaaliya oo maanta lagu wado inuu xarriga ka jaro dekedda Garacad

Sabti, October, 22, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa inuu xarriga ka jaro dekedda Garacad ee gobolka Mudug, oo ah dekeddii ugu horreysay oo ganacsato Soomaaliyeed ay maalgashadaan.

Wafdi horudhac u ah safarka madaxweyne Xasan Sheikh ayaa gaaray Garacad, halkaas oo sidoo kale ay gaareen madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxamed Cagjar.

Dekedda Garacad oo la dhagax dhigay sannadkii 2017, ayaa lagu maalgaliyay lacag ka badan 300 milyan oo dollar, waana mashruucii ugu weynaa ee dalka laga hirgaliyo burburkii kadib.

Waa dekeddii shanaad ee uu dalku yeelanayo. Waxay muhiimad gaar ah u tahay isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo Ethoipia, maadaama ay tahay dekedda ugu dhow dhinaca Ethiopia.

Daahfurkan ayaa noqonayaa wajiga koowaad ee dekedda Garacad oo soo socday muddo shan sano, iyadoo uu ku xigidoono wajiga labaad.