4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 22, 2022
Shacabka degmada Buulaburte oo dib u hagaajin ku sameeyay qeyb ka mid ah Buundada Buulaburte
 

Sabti, October, 22, 2022 (HOL) - Dadweynaha ku nool degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa galinkii dambe ee Shalay bilaabay in si isxilqaan ah ay u dhistaan Buundada degmadaasi oo Al-shabaab maalmo kooban ka hor ay ku burburiyeen qarax.

Buundada oo qaraxa uu ka burburiyay qeybta dhex bartanka ah ayaa shacabka degmadaasi waxay bilaabeen iney ka hagaajistaan buundada qeyb ka mid ah oo si kumeel gaar ah u isticmaali karaan dadka iyo xoolaha isaga kala gudba labada dhinac ee degmada Buulaburte.

Reer Buulaburte ayaa talaabadaani u sameeynaya si uusan hakad u kala galin dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo dadweynaha isaga kala gooshi jiray magaalada labadeeda dhinac, iyadoo taasi ay sii dheer tahay Maanta oo Sabti ah in degmada Buulaburte ganacsi ahaan looga yimaado dhamaan deegaanada hoos yimaado.

Ugu dambeyn shacabka degmada Buulaburte waxay ku guuleysteen in hagaajisteen Maanta oo Sabti ah qeyb ay ka maraan Buundada dadka iyo xoolaha, inkastoo aysan jirin wax gaadiid ah oo mari kara buundadaasi marka laga soo tago isticmaalka dadweynaha, waxaana dadka degmadaasi ay dowladda ka codsadeen iney qaatado doorkeeda ku aadan wax ka qabashada dib u dhiska Buundada, maadama dadka degmada ay qabteen inti ay awoodi kareen.