Talaado, October, 18, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda iyo saadka ka taageera ururka Alshabaab.
newsinsideTallaabadan ay xukuumadda Washington qaaddey ayay dowladda Soomaaliya sheegtay inay ka dhalatey baaritaano ay si wadajir ah u wadeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Mareykanka, waxayna qeyb ka tahay dagaalka lagu ciribtirayo Alshabaab iyo fikirkooda baneysiga dhiigga dadka aan waxba galabsan, sida ay dowladdu sheegtay.
Waxaa go’aankan uu sidoo kale ku soo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay dhowaan soo saartey awaamiir loogu digayo cid kasta oo dhaqaale ama lacago u uruurineysa Alshabaab.
Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo kaashanaya shacabka ayaa guulo waaweyn ka soo hoyay dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabaab.