4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 9 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in ku dhawaad 100 katirsan Alshabaab lagu dilay howlgallo ka kala dhacay Ceel Gorof iyo Basra

Arbaco, November, 9, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka ay dileen 50 kamid ah dagaalamayaasha, kaddib howlgal ka dhacay deegaanka Ceel Gorof ee gobolka Galgaduud.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in howgal kale oo ka dhacay aagga Basra lagu dilay 47 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab.

Isku gaynta tirada laga dilay Alshabaab ayaa noqonaysa ku dhawaad 100, waana tiradii ugu badnayd oo howlgallo qorshaysan lagu qaarijiyo.

Wasaaradda warfaafinta ayaa sheegtay in hay’adda nabad sugida ay heshay xogta Alshabaab isku arursanaysay beeraha Gaashaan oo katirsan Basra, waxayna dowladdu sheegtay in weerar lagu qaaday oo lasoo afjaray.

Howgalladan lagu qaarijiyay tirada badan ee Alshabaab ayaa kusoo aaday, iyadoo maanta ciidamada xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud.