4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 9 , 2022
Wada hadalladii dowladda Itoobiya iyo TPLF uga socday dalka Kenya oo wali socda xilli la filayay in maanta lasoo gabagabeeyo

Arbaco, November, 9, 2022 (HOL) - Wararka aan ka helayno dalka Kenya ayaa sheegaya in wada hadalladii u socday dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF oo la filayay in maanta oo Arbaca ahayd lasoo gabagabeeyo uu socon doono ilaa Jimcaha soo socda.

Isniintii aynu soo dhaafnay ayaa Taliyayaasha Ciidan ee dowladda Itoobiya iyo TPLF waxay ku kulmeen magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, halkaas oo lagaga wada hadlay qodob kamid ahaa waxyaabihii ay labada dhinac wada saxiixeen, kaas oo ahaa in hubka laga dhigo kooxda TPLF.

Faahfaahin badan wali lagama helin shirka labada dhinac uga socda dalka Kenya, balse qodobka hub ka dhigista TPLF oo ahaa kan shirka lagaga wada hadlayo ayaa kamid ahaa qodobada u waawayn ee ay isku af garteen dowladda Itoobiya iyo TPLF.

Heshiiska ay wada gaareen dowladda Itoobiya iyo TPLF ayaa saamayntiisa waxaa maalmahan laga dareemayay gobolka Tigray, iyadoo lasoo sheegayo in waxyaabihii quutul daruuriga oo markii hore qiimahoodu sare u kacsanaa maalmahan hoos loo dhigay, siday Warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah shacabka gobolka Tigray.