4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 9 , 2022
Xanuun cusub oo dadka ku dhacaya oo lagu arkay dowlad degaanka Soomaalida

Arbaco, November, 9, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maalmihii u dambeeyay uu degaanka ka jiray xanuun la sheegay inuu dadka ku dhacay, kaas oo leh astaamo ay kamid yihiin Xummad, Xubno xanuun iyo dhiig sanka ka imaanaya.

Shaybaadh lagu sameeyay qaar kamid ah dadkii calaamadahan lagu arkay ayaa lagu ogaaday in dadkani aysan lahayn xanuunnada looga shakiyay ee ahaa xumadda dhangiga la yiraahdo iyo xanuunno kale oo ay isku calaamado yihiin xanuunkan, sida uu Warbaahinta u sheegey Abuukar Sheekh Adan oo ah Agaasinka Waaxda maareynta xaaladaha degdegga ah ee Xafiiska Caafimaadka ee degaanka Soomaalida.

Xanuunkan ayaa sida uu Xafiiska Caafimaadka degaanku sheegay waxa uu ku fidayaa meelo hor leh oo kamid ah dowlad degaanka Soomaalida, iyadoo xarumaha Caafimaadkana la keenayo dadka uu soo ritay xanuunkani, walaw inta badan xanuunkani ay dadku guryahooda kula tacaalayaan haddana ma jirto ilaa iyo hadda dad xaalad halis ah u gaaray xanuunkan.

Wali lama ogaan xanuunkani waxa uu yahay inkastoo la hayo calaamadihiisa oo ay isku eg yihiin xanuuno kale sida xumadda dhangiga loo yaqaano iyo kuwo kale, balse Xafiiska Caafimaadka ee degaanka Soomaalidu waxa uu carrabka ku dhuftay in dhawaan xirfadlayaal Caafimaad iyo dadka takhasuska u leh xanuunnada noocan oo kale ah in loo dirayo goobaha usii daran ee lagu arkay xanuunkan.

Xanuunkan oo leh xummad daran, lafa garaac iyo calaamado kale ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa laga dareemayay meelo kamid ah dowlad degaanka Soomaalidu oo ay ku jirto magaalada Jigjiga.