4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 9 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca dalka Ireland
 

Arbaco, November, 9, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay wadanka Masar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Jamhuuriyadda Ireland Simon Coveney.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala hadlay Wasiir Simon Coveney xoojinta xiriirka Labada dal, iyadoo Jamhuuriyadda Ireland ay safka hore kaga jirto dowladihii ugu horreeyey ee hoggaankoodu ay Soomaaliya soo gaaraan xiligii dalku uu la daalaa dhacayey colaadaha sokooye iyo duruufihii nololeed ee dalka soo maray.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay halganka wadajirka ah ee shacabka iyo dowlad Soomaaliyeed ay Maanta dalka kaga xoreynayaan Ururka Al-shabaab iyo dadaalada xooggan ee gurmadka abaaraha, isagoona ka rajeeyey Jamhuuriyadda Ireland iney arrimahaas gacan ka siin doonto dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Difaaca Jamhuuriyadda Ireland Simon Coveney ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya qaabilaadda wanaagsan iyo kulanka miro dhalka ah, waxuuna sheegay in dalkiisu ay garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, codka Ireland ee gudaha Midowga Yurubna ay ka kabayaan dadaallada dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ka qeyb galay shirka Cimilada Adduunka ee COP-27 ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, iyagoona intii ay ku sugnaayeen Sharma Sheekh ku soo bandhigay caqabadaha xooggan ee dalka ka soo gaaray isbeddelka cimilada.