4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 9 , 2022
Xisbiga Waddani oo ka jawaabay bayaankii beesha caalamka ee ku saabsana doorashooyinka Somaliland
 

Arbaco, November, 9, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa soo dhaweeyay bayaankii ay waddamada Somaliland ka taageera doorashooyinku kaga hadleen kulan ay la yeesheen madaxweynaha Somaliland 8 bishan.

"Waanu soo dhawaynaynaa bayaankii ay sida wada-jirka ah ay usoo saareen saaxiibada caalamiga ah ee Somaliland, waxaana nu uga mahadcelinaynaa taageeradooda hagarla'aanta ah ee ay u hayaan dimuquraadiyada Somaliland" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay xisbiga WADDANI.

Waxa war saxaafadeedka xisbiga lagu sheegay in Somaliland ay kusoo caano maashay in ay khilaafkeeda ku xalisato hab maxali ah oo ay dhaqan u lahayd, lakiin nidaamkaas uu baabiiyay hogaamiye wada-hadalka u arka daciifnimo.

Xisbiga ayaa soo dhaweeyay in waddadamada beesha caalamku ay madaxweynaha wax ka waydiiyaan, ilaalinta xoriyada saxaafada, shirarka, mudaharaadada iyo axmaqnimada booliiska,.

"Waxaanu si buuxda u taageersanahay in saaxiibada caalamiga ahi ay waydiiyaan ficilada dimuquraadiyada ka leexsan, sida cabudhinta warbaahinta, xoriyada shirarka, mudaharaadada, iyo adeegsiga awooda halkii xal siyaasadeed laga raadin lahaa" ayaa lagu yidhi qoraalka xisbiga.

Waxa qoraalka lagu sheegay in dimuquraadiyada Somaliland ay sal u yihiin doorashooyinka xorta ah, xoriyada warbaahinta, dhaq-dhaqaaqa, xukuumad lala xisaabtami karo oo sharciga u hogaansan, kalsoonida ay shacbigu ku qabaan hay'addaha dowlada, isla markaana aan taa looga tanaasuli karin dano shakhsiyeed awgeed.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]