4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 8 , 2022
Beesha caalamka oo ka hadashay kulan ay la qaadatay madaxweynaha Somaliland
 

Talaado, November, 8, 2022 (HOL) - Waddamada Somaliland ka taageera doorashooyinka, ayaa walaac ka muujiyay isfaham waaga siyaasadeed ee Somaliland ka taagan.

Dibulumaasiyiin ka socota waddamadan oo maanta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, si fogaan arag ah kulan ula qaatay, ayaa bayaan ay soo saareen kulanka kadib walaac ka muujiyay isfaham la'aanta ka dhex taagan mucaaradka iyo xukuumada Somaliland.

"Saaxiibada caalamiga ahi si  fogaan arag ah, ayay madaxweyne Biixi ula falanqeeyeen doorashooyinka soo socda maanta, saaxiibadu waxay walaac ka muujiyeen isfaham la'aanta ka dhex taagan saamilayda siyaasada Somaliland".

Bayaanka ayaa lagu sheegay in waddamadani ay boorinayaan in is faham guud laga gaadho doorashooyinka, in la dhowro xoriyada hadalka iyo in booliisku dulqaad muujiyo, waxayna dhanka kale, sheegeen in madaxweyne biixi ay ka go'an tahay in uu doorashooyinka diyaariyo, isla markaana uu la kulmo madaxda mucaaradka.

"Waxayna xoojiyeen in is faham laga gaadho geedi socodka doorashada, muhiimada xoriyatul-qawlka, iyo booliis aan gacan ka hadal lahayn, saxiibadu waxay hoosta ka xariiqeen sida ay madaxweynaha uga go'antahay in uu labada doorashaba ku qabto wakhtigii guddida doorashooyinku cayintay iyo in uu mucaaradka la kulmo maalmaha soo socda".

Waddamada iyo urrurada bayaanka ku saxeexan ayaa kala ah Belgium, Canada, EU, Finland, France, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norwey, Swden, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]