4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 8 , 2022
Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka oo galabta dagaal kula wareegay deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud
 

Talaado, November, 8, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Galabta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud oo fariisin muhiim ah u aheyd Al-shabaab.

Dagaal culus ayaa la sheegay iney ciidamada iskaashanaya kula wareegeen deegaanka Wabxo, kadib afar jiho ah oo ay ka galeen ciidanka deegaanka Wabxo, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, islamarkaana geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay.

Ciidamada la wareegay deegaanka Wabxo ayaa waxaa hogaaminayay Gaashaanle Sare Cabdulaahi Cabdi Raage Iyo Saraakiil Kale oo ka tirsan Militariga Soomaaliya, kuwaas oo maalmahii ugu dambeeyay u diyaar garoobayay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayeen deegaanka Wabxo oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur oo ah Saldhiga ugu weyn Shabaabka ku sugan gobolka Galgaduud.

Barqanimadii Maanta ayay aheyd markii ciidamadaan is garabsanaya ay la wareegeen deegaanka Warxoolo oo 15 KM dhanka Waqooyi uga beeganka deegaanka Wabxo oo ay ciidanka iskaashanaya galabta si buuxda ula wareegeen, waxaana ciidankan ay sheegeen in ujeedkooda ugu weyn uu yahay iney Shabaab ka saaraan degmada Ceelbuur iyo deegaanada hoostaga.