4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 8 , 2022
Maleeshiyo beeleed hubeysan oo Maanta la wareegay garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq
 

Talaado, November, 8, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta Maleeshiyo beeleed hubeysan ay la wareegeen gacan ku heynta garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Ciidanka Maleeshiyo beeleedka la wareegay garoonka degmada Caabidwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa wata hub iyo gaadiid dagaal, kuwaas oo maanta hakad galiyay howlahii duulimaadyada garoonka diyaaradaha degmadaasi.

Maleeshiyo beeleedka hubeysan ee la wareegay dhaqdhaqaaqi garoonka ayaa la sheegay iney kasoo horjeedaan habka loo qeybiyay xubnaha golaha deegaanka degmada Caabudwaaq oo haatan qaarkood lasoo doortay, iyadoona maleeshiyaadkaan ay ku doodayaan in aan weli lasiin saamigii ay lahaayeen Golaha deegaanka degmada Caabudwaaq.

Ciidanka Maleeshiyo beeleedka ayaa la tilmaamay in garoonka ka celiyeen diyaarad ay la socdeen masuuliyiin iyo odayaal dhaqameed ku jeeday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana Maleeshiyaadka ay sheegeen in aysan furin doonin garoonka, ilaa laga xaliyo tabashadooda ku aadan dhismaha Golaha deegaanka degmada Caabudwaaq.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada iyo sidoo kale madaxda sare ee dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan xiisadda ka taagan Maanta garoonka diyaaradaha degmada Caabudwaaq.

Maalmihii lasoo waxaa magaalada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ka taagna cabasho la xiriirta dhismaha golaha deegaanka, taasoo timid markii lakala diray maamulkii degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud.