4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 8 , 2022
Shirkadda Hormuud oo war kasoo saartay qaraxyadii lagu burburiyay xarunteedii Qaayib

Talaado, November, 8, 2022 (HOL) - Shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa sheegtay in mid ka mid ah xarumihii ay ku shaqeyn jirtay iyo taawar isgaarsiineed uu ku burburay Qarax ka dhacay deegaanka Qaayib oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Shirkadda ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu burburiyay xarunta iyo taawarka, Isniintii shalay.

“Waa arrin murugo leh in aan macaamiisheena ku wargelino in weerar gaari qarax lagasoo buuxiyay lagu burburiyay goob aan ku leenahay deegaanka Qaayib ee gobolka Galguduud,” ayay shirkaddu ku tiri qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka.

Shirkadda Hormuud waxay sheegtay inay arrintaan saamayn ku yeelatay 14,000 qof, kuwaas oo gebi ahaanba waayay adeegyadii shirkada ay ka heli jireen, waxayna sheegtay inay si degdeg ah usoo celin doonto.

Ururka alshabaab oo shalay weerar ku qaaday tuulada Qaayib ayaa qarax ku burburiyay xarunta shirkadda Hormuud.

Lama oga sababta ka dambeysa, hase yeeshee waxay arrintaan kusoo aaday xilli uu soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Alshabaab iyo shirkadaha waawayn ee dalka, kadib markii dowladdu ay sheegtay inay xannibtay dhaqaale Shabaab u yaalay bangiyada dalka.