4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 7 , 2022
Haweeney Soomaali ah oo ku nool Minnisota oo qiratay inay qeyb ka ahayd lunsashada $250 milyan
 

Isniin, November, 7, 2022 (HOL) - Haweeney Soomaali ah oo ku nool dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada Plymouth ah ayaa qiratay in ay qeyb ka ahayd lunsashada $250 milyan, oo loogu talo galay nafaqeynta carruurta xilligii Covid19 ee gudaha dalka Maraykanka.

Sida ku cad dukumentiga maxkamadda, Canab Cartan Cawad, oo 52 jir ah, ayaa qiratay in lagasoo bilaabo Sebtembar 2020 ilaa Janaayo 2022, ay iyada oo og ay ka qayb qaadatay qorshe been abuur ah si ay u hesho oo ay u lunsato malaayiin doolar oo ah lacagaha barnaamijka nafaqeynta carruurta.

Xeer ilaalinta Maraykanka ayaa sheegtay in haweeneydan ay adeegsatay hay'ad aan faa'iido doon ahayn oo lagu magacaabo Multiple Community Services si ay u fuliso qorshaheeda.

Haweeneydan waxay sheegtay inay in ka badan 1.5 milyan oo cunto ah siisay carruur, balse maxkamadda ayaa sheegtay inaysan haba yaraatee waxba ka jirin arrintaas, liiska carruurta la siiyeyna uusan waafaqsanayn magacyada carruurta dhabta ah ee ka diiwaangashan hay’adeeda.

Isku soo wada duuboo, Haweeneydan ayaa iyadu si gaar ah waxay ugu eedeysan tahay lunsashada $11,237,106.41 oo ah dhaqaalaha kasoo galay Barnaamijka Nafaqeynta Carruurta ee Federaalka.

Dhageysiga xukunkeeda ayaa la muddeeyay waqti kale.

Bishii September ee sannadkan ayay ahayd markii Wasaaradda caddaaladda Maraykanka ay warbixin ay soo saartay eedo ugu jeedisay 47 qof oo lagu eedeeyey inay lunsadeen 250 milyan oo dollar oo aheyd lacag loogu talagalay quudinta carruurta ay dhaleen dadka danyarta ah intii lagu jiray xanniibadihii COVID-19.