4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 7 , 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo Safiirka Filand kala hadlay la dagaalanka Al-shabaab
 

Isniin, November, 7, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Filand ee Soomaaliya Pirkka Tapiola, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dadaalada dib u xoreynta ee dowladda Soomaaliya ay ku ciribtiteyso kooxda Al-shabaab.

Danjire Pirkka Tapiola ayaa dhankiisa dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay guulaha wax ku oolka ah ay ka gaaray kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab ee dib u xoreynta ah, isagoona caddeeyay in dowladda Filand ay joogteynesyo garab istaagga dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Raysal wasaare Xamse ayaa dowladda Filand uga mahad celiyay garab istaagga iyo taageerada joogtada ah oo ay ka geysato arrimaha horumarinta bulshada gaar ahaan waxbarashada iyo caafimaadka.

Kulanka Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka dalka Filand ay Maanta Muqdisho ku yeesheen ayaa imaanaya, iyadoo gobolada dalka ay kusii xoogeysanayaan kacdoonada ka dhanka la dagaalanka Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.