4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 7 , 2022
Wiil la dhashtay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka oo Maanta Muqdisho lagu dilay
 

Isniin, November, 7, 2022 (HOL) - Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa duhurnimadii Maanta ku dilay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cumar Abshiroow oo ka mid ahaa dhalinyarada sanadkan ka baxday Jaamacadda Ummada ee magaalada Muqdisho.

Allah u naxariiste wiilka dhalinyarada ah ee Muqdisho lagu dilay Maanta ayaa la dhashtay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdullaahi Cumar Abshiroow, waxaana goobta isaga baxsaday ragii hubeysnaa ee marxuunka dilay.

Dilka Marxuuum Cabdiraxmaan Cumar Abshiroow waxaa sheegtay masuuliyadiisa Ururka Al-shabaab oo baraha ay ku leyihiin Internetka ku shaacisay iney dileen mid ka mid ah ergadii wax kasoo dooratay Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed, islamarkaana haatan ahaa sarkaal ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa uga tacsiyadeeyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow dilka Maanta loo geystay walalkiisa Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Abshirow.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo guud ahaan Golaha Shacabka BJFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Gudddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullahi Cumar Abshiroow oo walaalkiis Cabdiraxmaan Cumar Abshiroow ay kooxo hubeysan saakay ku dileen Degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Dilka wiilkaan dhalinyarada ah ayaa kusoo beegmaya iyadoo mudooyinkio dambe magaalada Muqdisho ay kusoo kordhayeen falalka lidiga ku ah amaanka magaalada Caasimadda ee Muqdisho, sida dilalka qorsheysan iyo qaraxyada.