4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 7 , 2022
Col. Xasan Jaamici: Khawaarijta saakay Qaayib waxay la damacsanaayeen uma suuragalin, meydadkoodii ayay ka carareen
 

Isniin, November, 7, 2022 (HOL) - Taliyaha ururka 2aad, guutada 3aad ee Ciidanka xoogga dalka, Col. Xasan Maxamed Abuukar “Xasan Jaamici” ayaa sheegay qorshaha Alshabaab ay la damacsanaayeen Qaayib in aysan u suuragalin, isagoo sheegay in meydadkii ay ka carareen ay waddooyinka daadsan yihiin.

Taliye Jaamici oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in deegaanka Qaayib gacanta ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Wuxuu sheegay khasaaraha dhinacooda soo gaaray uu yar yahay, isagoo sheegay Shabaabku inay soo qaadeen dagaal aysan waxba ula harin.

Col. Jaamici wuxuu sidoo kale sheegay inay ciidamada ku raad joogaan meelihii Alshabaab ay kasoo abaabuleen weerarka Qaayib.

Dhinaca kale, dagaal kale oo xooggan ayaa la sheegayaa inuu ka socda meel 20km u jirta tuulada Qaayib oo lagu magacaabo God Shiilan.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa lagusoo waramayaa inay kaabiga ku hayaan deegaanka Xiindheere ee Galgaduud.