4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 7 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday in Alshabaab loogu yeero magac aan ahayn Khawaarij
 

Isniin, November, 7, 2022 (HOL) - Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda Soomaaliya ayaa awaamiir cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in aan Al-Shabaab loogu yeerin magaca aan aheyn Khawaarij.

Awaamiirta kasoo baxday wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa lagu mamnuucay faafinta 'fikirka kooxda Al-Shabaab ee ku saleysan riddada, dilka iyo is-miidaaminta.

Wasaaradda waxay kaloo mamnuucday in culimada Soomaaliyeed ay la macaamilaan Al-Shabaab, waajibaadna uu ka saaran yahay taageeridda gulufka ka dhan ah Alshabaab.

Go’aannadan ayaa qeyb ka ah fatwo lagu taageerayo ciribtirka Alshabaab oo kasoo baxay shirkii wasaaradaha arrimaha awqaafta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.