4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 7 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal culus oo Ismiidaamin ku bilaawday oo ka dhacay deegaanka Qaayib
 

Isniin, November, 7, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo qarax Ismiidaamin ah ku bilaawday oo aroornimadii hore ee saakay ku dhexmaray deegaanka Qaayib oo ka tirsan gobolka Galgaduud ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug oo dhinac iyo dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab qarax Ismiidaamin ah oo ay u adeegsadeen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa la beegsadeen fariisin ay deegaankaasi ku leeyihiin ciidanka dowladda, islamarkaana uu xigay dagaal xoogan oo fool ka fool u dhexmaray labada dhinac oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaasoo  geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay ilaa shan ruux oo uu ka mid yahay ruuxii waday gaariga qaraxa ku rarna ayaa geeriyootay, iyadoo in ka badan 10 ruuxna ay ku dhaawacmeen weerarka qaraxa ku bilaawday, sida ay warbaahinta maxaliga ah u sheegeen ilo ku sugan deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud oo dhawaan uun lagala wareegay Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo si kooban uga hadlay dagaalka ayaa sheegay iney iska difaaceen weerarka aroornimadii hore ee saakay kaga yimid dagaalamayaasha Al-shabaab oo doonaayay iney markale dib u qabsadaan deegaanka, islamarkaana dagaalka ay ku gaarsiyeen Shabaab khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo uu sheegay ineysan wali tirakoob sax ah aysan ku sameynin.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa dhawaan gacanta ku dhigay deegaanka Qaayib oo ka mid ahaa fariisimaha muhiimka u ahaa kooxda Al-shabaab ay ku lahayeen gobolka Galgaduud.