4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 6 , 2022
Ciidamada dib u xureynta deegaanka oo Maanta dagaal kula wareegay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan
 

Axad, November, 6, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanada Dhoqor iyo Baareey oo dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne ilaa 27 KM, waxaana dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda ay weerar ku qaadeen fariisimo ay dhawaan ka sameysteen Al-shabaab deegaanadaasi.

Dagaalka dhexmaray labada dhinac oo ahaa mid xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lasoo wariyay inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada, hayeeshee aanan la xaqiijin karin inta uu dhan yahay.

Ciidamada Shabaab ee lagu weeraray  deegaanada Baareey iyo Dhoqor ayaa deegaanadaasi ugu soo talaabay dhawaan doomo ay kaga soo gudbeen dhanka qoraxsin, maadama uu wabiga Shabeelle kala baro deegaanada Bariga iyo Galbeed ee hoostaga magaalada Baledweyne.

Ciidamada dib u xureynta ayaa la sheegay iney bur buriyeen Doomo ugu xirnaa Al-shabaab wabiga Shabeelle oo ay isticmaali jireen Al-shabaan marka ay u kala gudbayaan deegaanada ku yaala labada dhinac ee Bariga iyo Galbeedka.

Saraal ka tirsan ciidanka dib u xureynta Macawiisleeyda oo la hadlay Shabakadada HOL ayaa sheegay in dhamaan goobahii saakay ay weerareen ay ka saareen Al-shabaab, islamarkaana ay wali wadaan baadi goobka Al-shabaab oo intooda badan ka gudbay wabiga Shabeelle oo uu sheegay in marki horeba ay kasoo gudbeen.

Ugu dambeyntii ciidamada dib u xureynta deegaanka oo si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Baareey iyo Dhoqor ayaa halkaasi ka sameystay fariisimo, iyagoona sheegay iney ku sugnaan doonaan deegaanadaasi oo aysan dib uga bixi doonin.