4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 6 , 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay xannibtay akoono maaliyaddeed oo dhaqaale ugu jireen kooxda Alshabaab
 

Axad, November, 6, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay markii ugu horraysay ku guulaysatay inay xanibto akoono maaliyaddeed oo Alshabaab ku lahaayeen xawaaladaha iyo bangiyada dalka.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in akoonada dowladdu ay xanibtay ay dhaqaale badan ugu dhex jireen kooxda Alshabaab.

“In ka badan toban kun oo farriimood ayaa nasoo gaaray, kuwaas oo dadku nagula wadaagayeen akoonada ay Khawaarijtu lacagaha ugu diri jireen, taasoo keentay in bangiyada iyo xawaaladuhu xannibeen akoonnadaas oo lacago ugu jireen Khawaarijta,” ayuu yiri Alcaddaala.

Wasiir Alcaddaala waxaa uu sheegay in tallaaabadan ay qeyb ka tahay dhaqan galka go’aanno dowladda kasoo baxay oo lagu cuuryaaminayo ilaha dhaqaale ee Alshabaab.

Wasiirku wuxuu sheegay inay qaar kamid ah ganacsatada dalka ay qaateen go’aankii dowladda ee ahaa inay diidaan inay lacag siiyaan Alshabaab, taasoo uu tilmaamay inay si weyn u saameyn ugu yeelatay kooxda Alshabaab.

Ugu dambayn, wasiir Alcaddaala wuxuu farriin culus u diray cid kasta oo aan fulin awaamiirta dowladda kasoo baxay. Wuxuu caddeeyay in ciqaabaad adag lagu fulin doono cid kasta oo Alshabaab dhaqaale siiya ama xog u gudbiya.