4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 6 , 2022
Guddiga Qaramada Midoobay ee la socodka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya oo ku taliyey in la ballaariyo cunaqabataynta saaran Soomaaliya

Axad, November, 6, 2022 (HOL) - Guddiga khubarada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya ayaa golaha ammaanka kula taliyey in la ballaariyo shuruudaha liiska cunaqabataynta ee saaran Soomaaliya.

Guddiga ayaa warbixintoodii ugu dambaysay oo ku taariikhaysan bilaha September iyo October ku sheegay in tallaabooyinkan ay muhiim u yihiin wax ka qabashada qorshaynta, jihaynta, taageeridda kooxaha xagjiriinta, iyo go’doomintooda dhaqaale ee magaalooyinka Soomaaliya.

Warbixinta ay soo saareen guddigan, waxay kusoo aaday xilli dowladda Soomaaliya oo haatan dagaal kula jirta Alshabaab, ay dhowaan midowga Afrika ka codsatay in laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay adag tahay si looga guulaysto Alshabaab, iyadoo ciidamadeedu aysan helin hub casri ah oo ay kula dagaalamaan Alshabaab.

Dhawaan, Maraykanka ayaa sidoo kale soo rogay cunaqabatayn ka dhan ah Daacishta Soomaaliya. Maraykanka ayaa cunaqabataynta dulsaaray xubno ka tirsan Daacish iyo kuwa kale oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin shabakad hubka usoo iibisa Shabaab iyo Daacish.