4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 5 , 2022
Alshabaab oo la sheegay inay madax furasho kusii daayeen dad ay ka afduubteen Ceelwaaq
 

Sabti, November, 5, 2022 (HOL) - 4qof oo Kenyan ah oo ay ku jiraan labo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, darawal iyo qof bukaan ah ayaa talaadadii lasoo dhaafay la sheegay inay AlShabaab ka afduubteen deegaanka Ceel-waaq ee u dhow xuduudka Soomaaliya iyo Kenya

Sida laga soo xigtay booliska wddanka Kenya, labo maalin kaddib ayaa la sheegay in afarta qof ee la afduubtay la sii daayay maalintii Khamiistii iyagoo dib ula midoobay qoysaskooda.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in la rumeysan yahay in odayaasha deegaanka ay Alshabaab kula gorgortameen siideyntooda iyadoo lacag madax furasho ah laga qaatay.

Booliska ayaa sheegay in ambalaasta dhibbanaha ay wali gacanta ku hayaan dableyda Alshabaab.

Alshabaab ayaa dhowr jeer horey weeraro ula beegsatay shaqaalaha ammaanka, iskuulada, gaadiidka magaalooyinka iyo shirkadaha isgaarsiinta ee waqooyi bari iyo bari Kenya.