4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 5 , 2022
Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland oo u jawaabay taliyaha Ciidamada Puntland

Sabti, November, 5, 2022 (HOL) -  Taliyaha Ciidanka Millateriga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, oo ka jawaabay hanjabaado kasoo yeedhay taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland, ayaa sheegay in Somaliland anay dagaal rabin lakiin ay is difaaci doonto hadii lasoo weeraro.

Taliye Taani ayaa taliye Abshir Cabdi Jaamac, u sheegay in Somaliland nabadgalyo ku dhisantahay, jaar keeda oo Puntland kamid tahayna ay nabad kula dhaqanto, isla markaana anay madaxda Somaliland hadal xun marnaba ku odhan jaarkeeda.

"Anagu ciidan ahaan iyo dowlada Somaliland-ba waxaanu ku dhisanahay nabadgalyo, in aanu kula dhaqano jaarkayaga, Puntland-na jaar ayaanu nahay, walina inta hadal qadaf ah ama hadal xun Somaliland kumay odhan, waxaana nu ku dhowrnaa jaarnimada" ayuu yidhi Taliye Taani.

Waxa uu sheegay in Puntland hadalo badan oo qadaf ah Somaliland kula hadasho, hadaladaas oo anay Somaliland ka jawaab inta badan, sida uu sheegay, isaga oo sheegay in mabda'a Somaliland ku dhisanyahay in nabada la ilaaliyo.

Taani waxa uu sheegay in taliye Abshir dhawaan xili uu qurbaha ka yimid, loo magacaabay madaxa Ciidamada Daraawiishta, isla markaana, aanu xog badan haynin, ayna haboonayd in uu waraysto madaxdii ka horaysay.

"Ninka taliyaha ah ee hadlayay maalin dhawayd ayaa la magacaabay qurbahana wuu ka yimid, wixii waddanka ka dhacayna waxba kama ogayn, waxayna ahayd in uu waraysto ragii ka horeeyay, lakiin wuu iska hadlay" ayuu yidhi taliye Taani

Erayo ay kamid yihiin huuno, Hadhuudh iyo Arabikhi oo uu taliye Abshir ku duray Ciidamada Somaliland, ayuu taliye Taani ku sheegay in anay ahayn wax ceeb laga dhigo, oo Hadhuudh iyo Arabikhina yihiin cuntadii aynu hidaha u lahayn, huunana tahay aboowe oo kale.

Waxa uu sheegay in madaxda Puntland ay hanjabaado kala duwan hawada soo marinayeen dhawaanahan, sidasoy tahayna anay Somaliland dagaal jeclayn, oo dagaalka dhibtiisa ay xogogaal u tahay, lakiin ay ka jawaabi doonto hadii loola yimaado.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]