4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 5 , 2022
Sirdoonadda Soomaaliya iyo Itoobiya oo Muqdisho heshiis ku kala saxiixday
 

Sabti, November, 5, 2022 (HOL) - Sirdoonadda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa magaalada Muqdisho ku kala saxiixday heshiis labada dhinac ay isaga kaashanayaan la dagaalanka Kooxaha argagixisada ah.

Agaasimaha hay'adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasime ku xigeenka sirdoonka dowladda Itoobiya Sisay Tola ayaa isla meel dhigay is dhaafsiga xogaha iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay is kaashan doonaan, islamarkaana si wadajir ah u wada shaqeyn doonaan.

Agaasimaha hay'adda NISA Mahad Salaad ayaa uga mahadceliyay dowladda Itoobiya garab istaageeda ku aadan deeqdii Caafimaad ee dhawaan ay soo gaarsiisay magaalada Muqdisho.

Agaasime ku xigeenka sirdoonka dowladda Itoobiya ayaa dhankiisa sheegay iney muhiim tahay iskaashi ay la wadaagaan Sirdoonada Qaranka ee dalalka Itoobiya iyo  Soomaaliya, si looga hortaho qataraha kooxda Shabaab, isagoona sheegay inuu ka xun yahay weerarkii khasaaraha badan geystay ee dhawaan kooxda Shabaab ka geysatay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Heshiiskaan ay gaareen hay'addaha Sirdoonada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa imaanaya, kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka gudbay gobolada Hiiraan iyo Bakool ay gudaha u galeen dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, wixii xiligaas ka dambeeyayna ciidanka dowladda Itoobiya ay galeenfoojignqqn dheeraad ah.