4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 5 , 2022
Guddiga joogtada ee barlamaanka Soomaaliya oo shirkoodii ugu horreeyay ku qabsaday Garowe
 

Sabti, November, 5, 2022 (HOL) - Guddiga joogtada ee barlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay shirkoodii caadiga ahaa uga furmay magaalada Garowe ee Puntland.

Guddoomiyaha barlamaanka, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoominaya ayaa sheegay inay ku faraxsansan yihiin in markii ugu horreysay meel ka baxsan caasimadda uu barlamaanka Soomaaliya ku qabsanayo kulamadoodii joogtada ahaa.

“Xarunteennii markaan joogno culays badanaa na dulsaaran. Xildhibaannadu jaanis ma helayaan. Problem baa la galayaa. Waxaan marka Garowe u nimid, annaga oo dalkeennii joogna oo dibbada aadin inaan muddadan kooban ku dhameysano arrimihii nala ka sugayay, ayuu yiri guddoomiyuhu”

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in imaatinkooda Garowe uu qeyb ka yahay qorshe uu guddiga joogtada ah shirarkiisa ugu qabsanayo xarumaha dowlad goboleedyada.

Guddiga joogtada ayaa muddo todobo cishe ah Garowe uga doodi doona howlaha horyaala ka hor inta uusan furmin kalfadhigga labaad ee golaha shacabka, si ay u diyaariyaan jadwalka.

Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa horey marmar shirarkooda khamiislaha ah ugu qabsan jiray xarumaha dowlad goboleedyada Soomaaliya.