4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 4 , 2022
Deegaanka Ceelhareeri oo lagu dilay 100 dagaalame oo ka tirsan al-Shabab
 

Jimco, November, 4, 2022 (HOL) – Ugu yaraan 100 dagaalyahano oo ka tirsan kooxda al-Shabab, ayaa shalay lagu dilay dagaal xooggan oo ka dhacay deegaanka Ceelhareeri oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Afhayeenka wasaarada amniga ee dowladda Soomaaliya Cabdullahi Cali Caanood, ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ay dileen 100 dagaalame intii uu socday dagaalka.

Dhinaca kale, taliyaha guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska Danab Gaashaanle Axmed Cabdulaahi Beeryare oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ciidamada iskaashanaya ay dagaalka ku dileen 200 oo ka mid ah dagaallamayaasha al-Shabaab.

Taliye Beeryare ayaa intaas raaciyay in ciidamada ay sidoo kale la wareegeen deegaanno kale oo u dhaw deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan.

"Dagaalka waxaan ku burburinay Saldhigyo Shabaabka ku lahayeen Ceelhareeri iyo nawaaxigiisa oo aan haatan gacanta ku hayno, waana sii wadi doonaa howlgalka ka dhanka ah shabaabka ku sugan gobolka Hiiraan" ayuu yiri Taliye  Axmed Cabdulaahi Beeryare.

Shalay barqadii ayay aheyd markii ciidamada dib u xureynta deegaanka iyo kuwa dowladda ay weerar ku qaadeen deegaanka Ceelhareeri oo ay sheegeen in halkaasi isku aruursanayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, hayeeshee dagaal xoogan oo saacado qaatay kadib ay ciidamada iskaashanaya kula wareegeen deegaankaasi.

Gobolka Hiiraan waxaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka socday dagaalo xoogan oo dadka deegaanka oo kaashanaya ciidanka dowladda ay kula jiraan Shabaab, waxaana dagaaladaasi Al-shabaab loogala wareegay ku dhawaad 100 deegaan oo ay horay u maamuli jireen.