4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 4 , 2022
Madaxweynaha Somaliland oo ka jawaabay go'aamadii shirkii Dal-wanaaje
 

Jimco, November, 4, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sharci daro ku tilmaamay go'aamadii kasoo baxay shir beeleedkii Dal-wanaaje, ee  dhawaan Burco ka dhacay.

Waxa uu sheegay in xisbina deegaan gaar ah kasoo jeedin oo xisbi waliba Somaliland oo dhan leeyahay, isla markaana uu Somaliland oo dhan cod ka doonayo, waxaanu wax aan la qaadan karin ku tilmaamay go'aamada shirkan.

"Xisbina kaligii gobol gaar ah kama soo jeedo, kuma jirto shuruucda doorashada, qaranka oo dhan ayuu leeyahay, ninka madaxda u ahina waa in uu qaranka oo dhan cod ka doonayaa, waxan la qaadan karaynin waxyaalaha qaarkood ee shirarka beelaha kasoo baxa" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu ku tilmaamay wax laga naxo, isla markaana sharafta madax dhaqameedka hoos u dhigaysa, in beel gaarihi tidhaa doorashada deegaanka yaga laga qaban maayo hadii aan codsiga yaga la fulin.

"Argagax ayay leedahay, qarankana waa ku gaf, sharciyana waa xaaraan, madax dhaqameedkana hoos ayay u dhigaysa in beeli tidhaa hadii waxa iyo waxaasi dhici waayaan deegaankayaga laga codayn maayo" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Odayaal dhaqameed kasoo jeeda beesha musharaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo dhawaan shir Dal-wanaaje la magac baxay ku qabtay magaalada Burco, ayaa ku hanjabay in anay deegaamadooda doorasho ka dhici doonin hadii aan doorashada madaxtooyada lasoo horaysiin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]