4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 30, 2022
Madaxweyne Mustafe Cagjar " Inaan xilka baneeyo ama la iga qaado haba yaraatee wax dhib ah iguma hayso"
 

Arbaco, November, 30, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo Waraysi siiyay Warbaahinta Gaylan Media ayaa wax laga waydiiyay bal inuu dhib u arko iyo in kale haddii maanta xilka laga qaado ama uu isagu iskii xilka u baneeyo, isagoo sheegay in haba yaraatee uusan wax dhib ah u arkin haddii xilka laga qaado ama isagu baneeyo.

" In la i badali karo dareen ah ayaan qabaa waayo Xisbi iyo dowlad ayaan ka tirsanahay dowladdii shalay xilka ii dhiibtay maanta way iga qaadi kartaa dhibna uma arko taas, balse aniga waxaa dhib igu haya in wixii degaanka Soomaalida ka jiri jiray ee dhibaato ahaa uusan soo noqon". ayuu yiri Madaxweyne Mustafe Cagjar.

Waxa kale oo uu sheegay in uusan ka baqayn in la xiro marka xilka laga qaado sidii horey ugu dhici jirtay inta badan madaxdii isaga ka horreysay oo badanaa markii xilka madaxtinimada laga qaado la xiri jiray isagoo taa ka hadlaya Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu yiri " Haddaan mutaysto Xarig kama duwani dadka laakiin ma qabo cabsi ah maadaama Madaxweynihii kaa horreeyay la xidhay adna waa lagu xiri".

Madaxweynaha ayaa xusay in markii uu xilka madaxtinimada imaanayay ay dhib ku haysay in uu xilka ka tago isagoo wakhtigaa aan waxba ka qaban dhibaatadii xilligaa jirtay oo ahayd wakhrigii kala guurka, balse hadda aysan dhib ku hayn inuu xilka ka tago maadaama uu wax badan xukuumaddiisu ka qabatay dhinacyada kala duwan ee Nabadgalyada, Horumarka iyo kaabayaasha dhaqaale waa siduu hadalka u dhigay Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.