4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 30, 2022
Bulshada maqal koodu xadidanyahay ee Somaliland oo mudaharaad iskugu soo baxay
 

Arbaco, November, 30, 2022 (HOL) - Qaar kamid ah bulshada maqalkoodu xadidantahay ee Somaliland, ayaa mudaharaad ka dhigay golaha wakiilada hortiisa, kadib markii miisaaniyada 2023 uu goluhu ka reebay.

Mudaharaadayaasha oo sitay waraaqo ay ku qoranyihiin "Madaxweyne ha saxeexin miisaniyada 2023", ayaa dalbanaya in lacag loogu daro miisaaniyada 2023 oo goluhu shalay ansixiyay isla markaana laga reebay, sida uu mid kamid ahi warbaahinta u sheegay.

"Waxaanu nahay ururka dhagoolayaasha Jamhuuriyada Somaliland, waxaanu halkan u taaganahay in aanu helno xaqayagii, mudaharaadku halkan ayuu ka bilowday golaha wakiilada hortiisa, gobolada kalena wuu ka socdaa, waxaanu halkan u nimid sidii aanu u heli lahayn xuquuqdayadii miisaaniyadeed" ayuu yidhi.

Waxa uu intaa raaciyay in baarlamaanku aanu ka qaybgalin miisaaniyada sannadkii 3aad oo xidhiidha, isla markaana loo sheegay in bulshada kale ee naafada ahi matalayaan.

"Baarlamaanka waxaanu usoo gudbinay miisaaniyadii bulshadeena, iyo guddida dhaqaalaha, lakiin maalintii la ansixinayay way naga reebeen, waa sannadkii 3aad ee ay sidaa soo kale nooga reebaan, waxay noo sheegeen in ay na matalayaan dad curyaamiin ah oo ay saamigayagii sida ku qaataan" ayuu yidhi.

Bulshada maqalka naafada ka ah, ayaa xidhay wadada u dhaxaysa madaxtooyada iyo baarlamaanka Somaliland, waxayna dhigeen bannaanbax nabadgalyo dhigay.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]