Ra’iisul Wasaare Xamse oo soo xiray shirweynaha caalamiga ah ee maalgashiga Soomaaliya
Arbaco, November, 30, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, ayaa gelinkii dambe ee
shalay soo xiray shirweynaha maalgashiga caalamaiga ah ee Soomaaliya oo labo
maalmood ka socday Muqdisho.
Shirka oo ay ka qeyb-galeen hay'adaha ka shaqeeya mashaariicda,
ganacsatada, maalgashadayaal caalami ah iyo marti sharaf kale, ayaa lagu soo
bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalka Soomaaliya uu leeyahay.
Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbaddiisa xiritaanka shirka ku
sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’antahay sameynta dib-u-habeyn
sharciyada dhaqaallaha iyo amniga oo fududeynaya in Soomaaliya gudaheeda
ganacsi laga sameyn karo, lana abuuri karo jawi maal-gashi oo soo jiita
maal-gashadayaasha.
Wuxuuna sheegay in horay loo meel mariyay sharciga
maalgashiga shisheeye, kaas oo damaanad qaadaya tartan ganacsiyadeed caddaalad
ku saleysan.
Mudane Xamse ayaa intaa raaciyay in la dhisay guddiga sare
ee maal-gelinta shisheeye oo ah guddiga ugu sarreeya ee sameeya siyaasadaha
maal-gashiga dalka, sidoo kalana uu dalku leeyahay xafiiska dhiirri gelinta
maal-gashiga shisheeye oo hoos-taga Wasaaradda Qorsheynta kaas oo loo sameeyay
inuu dhiirri geliyo, soo jiito, isku dubbarido, uuna taageero buuxda siiyo
maal-gelinta shisheeye ee tooska ah.
Shirka maalgashiga shisheeye ee Soomaaliya oo ahaa kii ugu
horreeyay oo nuuciisa ah ayna soo agaasintay wasaaradda qorsheynta,
maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaallaha, ayaa mudadii uu socday waxaa la isku
weydaarsaday fikrado maal-gashi oo muhiim u ah kuwaas oo haddii la dhaqan
geliyo lagana faa’iideysto qeyb weyn ka qaadan kara gaaritaanka horumarka ay
Soomaaliya hiigsaneyso.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan
Sheekh Maxamuud, oo shalay furay Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga
Soomaaliya, ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan xaqiijinta
Soomaaliya ku habboon maalgashi.
Madaxweyne Maxamuud ayaa sheegay in qorsheyaasha dowladda ay
aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo
dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo
ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]