4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2022
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho

Khamiis, November, 3, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xukuumada iyo shacabka Somaliland aad uga xunyihiin, qarixii dhawaan ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in qaraxa dad shicib ah oo masaakiin ah lagu laayey, isla markaana ay tahay arrin argagax iyo naxdin leh, qof walba oo bini'aadam ahina uu ka damqanayo.

"Soomaaliya, Muqdisho wixii ka dhacay waad arkayseen oo waad aragteen, mashaqadki ka dhacday waynu ognahay, dad shicib ah oo masaakiin ah oo mashaqada intaa leegi ku dhacday, naxdin iyo argagaxeeda ayay leedahay, qof walba oo bini'adam ahina wuu ka damqanayaa" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in Somaliland iyo shacabka reer Muqdisho ay yihiin dad ehel ah oo walaalo ah, aadna shacabka Somaliland uga murugooday dhacdada, waxaanu sheegay in hadii Somaliland awoodo ay ka qayb qaadan doonto gurmadka dhibaatada dhacday.

"Inaga oo diin iyo dhaqan iyo Soomaalinimo iyo jaarnimo iyo ehelnimo wadaagnaana aad iyo aad ayaanu uga naxaynaa oo uga murugoonaynaa waxa dhacay, waan u ducaynaynaa, in Alle ka nabadgaliyo, hadii aynu awood u helnana waa ka qaybgalaynaa" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa hadalkan ka jeediyay munaasibad loo qabtay sannad guurada 29aad ee kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliiska Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]