4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2022
Raysal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo lagu toogtay goob bannaan bax ah

Khamiis, November, 3, 2022 (HOL) - Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa lagu toogtay goob bannaanbax maanta oo Khamiis ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xisbigiisa, kaasi oo sheegay in dhacdadaasi ay ahayd isku day dil.

Xabbad ayaa Imran Khan kaga dhacday cagtiisa ka dib markii nin hubaysan oo aan la aqoonsan uu rasaas ku furay, sida uu sheegay hogaamiyaha sare ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI) Asad Umar.

Kabtankii hore ee cricket-ka Pakistan ayaa laga soo kaxeeyay goobta isu soo baxa ka dhacay oo ka baxsan magaalada Gujranwallah si loogu daweeyo magaalada Lahore.

Ugu yaraan saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacantay rasaas. Ilaa hadda lama oga inta uu la egyahay dhaawacyada soo gaaray dadka kale.

Oktoobar 21, guddiga doorashada dalka Pakistan (ECP) ayaa ku taliyay in raysal wasaare hore Khan laga reebo inuu xafiis siyaasadeed u tartamo muddo shan sano ah, tallaabadaas oo laga yaabo inay sii huriso xiisadaha siyaasadeed ee dalkaa ka taagan.