4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2022
Musharax Cirro: Doorasho, doorasho, muddo kordhin xaaraan ah maya
 

Khamiis, November, 3, 2022 (HOL) - Musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ugu tunka wayn ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa xukuumada usoo jeediyay in ay xal siyaasi ah keento 13 November kahor.

Musharaxa oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo xisbiga katirsan, oo kumanaan taageerayaashiisa ah kula hadlay magaalada Ceerigaabo, ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu doorashada ka baqanayo, waxa uu sheegay in uu sharci ku yimid sharci darana aanu ku joogi doonin.

"Muusoow ama meerayso, ama ha meeraysan waad ka tagaysaa meesha, waligaaba meerayso wakhtigaagii wuu dhamaadee waad ka tagaysa, doorashada wuu ka baqayaa Muuse, wuuna la eelayaa, Muuse Biixi sharci ayuu ku noqday madaxweyne sharci darona kuma joogi karo" ayuu yidh Musharax Cirro.

Waxa uu xukuumada ugu baaqay in 13 November oo ay ku egyihiin 5-tii sanno ee maxaxweyne Biixi la doortay kahor in ay xal siyaasi ah keento, hadii ay dhici waydnana aanu madaxweynaha aqoonsan doonin.

"Waxaynu leenahay waar xal siyaasi ah hala gaadho 13 November, ka hor hala gaadho xal siyaasi ah, hadii la gaadhi waayo dee madaxweyne noqonmaysid" ayuu yidhi musharax Cirro.

Cirro oo goob fagaare ah kala hadlayay taageerayaashiisa ayaa ku dhawaayay erayo ay kamid yihiin "Doorasho, doorasho, doorasho, mudo kordhin maya, mudo kordhin xaaraan ah maya".

Mucaaradka Somaliland ayaa aad uga cadhaysan furista urrurada siyaasada, iyo qorshaha xukuumadu ku doonayso in doorashada urruradu kasoo horayso doorashada madaxweynaha.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]