4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2022
Booliiska Somaliland oo soo bandhigay tirrada danbiyada Somaliland ka dhacay sannadkan 2022

Khamiis, November, 3, 2022 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa sheegay in sannadan 2022, ay Somaliland ka dhaceen 27,801 danbi oo iskugu jira dilal, kufsi, shilal, caruur la tuuray, ka ganacsiga maandooriyaha iyo kuwo kale.

Hogaanka Howlaha Ciidanka Booliiska Sarreeye guuto Ibraahin Cabdi Xaaji Maxamuud, ayaa tirrada danbiyada iyo noocyadooda ka akhriyay munaasibad loo qabtay sannad guurada 29aad ee kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliiska Somaliland.

Waxa uu sheegay in 5,565 kamid ah danbiyada la diwaangaliyay ay beenoobeen, oo caddayn loo waayay,
In heshiis lagu dhameeyay 11,320 danbi, isla markana ay maxkamaduhu go'an ka gaadheen 10,916 danbi halka ay baadhisi ku socoto 540 danbi.

Waxa uu sheegay in 60 qof si badheedha loo dilay, isla markaana ay gaysteen 60 eedaysane kuwaasi oo 49 kamid ah gacanta lagu dhigay, halka 11 eedaysane ay baxsad yihiin oo aan wali gacanta lagu dhigin.

Tirrada guud ee kufsiyada ayuu ku sheegay 266 kufsi, oo ay gaysteen 280 eedaysane, kuwaasi oo ay qaarkood kufsi wadareed ahaayeen, waxa uu sheegay in la qabtay 240 eedaysane, isla markaana 40 ay baxsadyihiin.

Tirrada guud ee shilalka gaadiidka ayuu ku sheegay 5,829, waxa shilalka ku nafwaayay 148 qof, halka 3,944 oo qofna ay ku dhaawacmeen, 3,525 baabuur ayaa ku waxyeeloobay shilalk, 412 neef oo xoola ah ayaa ku dhintay, halka 124 dhisme uu khasaare kasoo gaadhay.

Tirada caruurta la tuuray ayuu ku sheegay 40 caruura oo 20 kamid ahi ay dhinteen.

Waxa uu sheegay in booliisku uu qabtay 70,065 litir oo khamri ah, iyo 75 kiilo iyo badh oo xashiishad ah, tirrada eedaysanayaasha loo qabtay maandooriyaha waxa uu ku sheegay 94 eedaysane, waxana lagu qabtay 51 baabuur.

Waxa uu inta ku daray in 15 qof loo qabtay argagixisonimo, kuwaasi oo 13 kamid ah maxkamad la geeyay, isla markaana 4 kamid ah la xukumay, 9-na ay xukun suge yihiin, halka 2-ada hadhayna ay baadhis ku socoto.

Waxa uu kusoo gaba gabeeyay in tirro ka badan 90 eedaysane loo qabtay falal diinta Islaanka kasoo horjeeda oo ay ku kaceen.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]