4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2022
Qarax khasaare geystay oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Khamiis, November, 3, 2022 (HOL) - Gaari ay saarnayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw qarax miino oo ah nooca meelaha fog fog laga hago lagula eegtay halka loo yaqaano Ceelka Ifis ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa miino ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaaray askarta qaraxa lala eegtay iyo dad shacab ah oo xiliga qaraxa uu dhacayay wadada marayay, waxaana la xaqiijiyay dhimashada hal qof dhaawaca laba ruux oo shacab ah.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ee saarna gaariga Cabdibilaha ayaa dhankooda la sheegay in rasaas badan ay fureen qaraxa kadib, waxaana daqiiqado kadib goobta qaraxa gaaray ciidamo kale oo ka tirsan Booliiska iyo Militariga Soomaaliya oo halkaasi baaritaano kooban ka sameeyay, walow aanan la sheegin cid ay kusoo qabqabteen baaritaankaasi.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay qaraxa miino ee ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyada noocaan oo kale masujliyadooda sheegta ururka Al-shabaab.