4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 3 , 2022
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo si kulul uga hadlay weerar lagu dilay caruur uu dhalay sarkaal ka tirsan Shabaab
 

Khamiis, November, 3, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay weerar dhawaan ciidanka Macawiisleeyda ay ka geysteen guri ku yaala deegaanka Abooreey oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan, kaasoo lagu dilay, laguna dhaawacay wiil iyo walaalkiis oo uu dhalay sarkaal ka tirsan Shabaab.

Guddoomiye Jeyte oo ciidanka Macawiisleeyda iyo kuwa dowladda Soomaaliya kula hadlaayay goob fagaare ah ayaa sheegay iney dambi tahay in la dilo xaasaska iyo carruurta Al-shabaab ee aan dagaalka ku jirin oo ay qalad weyn tahay arintaasi, hayeeshee la beegsan karo kuwa dagaalama ee qoryaha wata ee ka tirsan Al-Shabaab.

"Waxaan rabaa hal qodob inaan caddeeyo amaba iftiimiyo, oo ah dhacdadii maalin dhaweyd ka dhacday Aboorey. Anigu waxaan iri ragga qoryaha wato ee Al Shabaabka ah iyo kuwa sirdoonka ah ee faltamaya madaxooda lacag baan saarnay, Allaha (SWT) wiilka anigu aan dhalay dembiga anigu aan la imaaddo annaa iska leh, wiilka dembiguu la yimaadana, hadduu qaangaarana asagaa iska leh, taasi soo ma cadda? Dembiga aan anigu galay wiilkayga Ilaahay ma u ciqaabayaa? Waa maya, sabab loogu ciqaabaa ma jirto” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Gabagabadii guddoomiye Cali Jeyte ayaa iska fogeeyay in isaga dusha looga saaro masuuliyada lagu beegaaday labada wiil ee walaalaha ah midna lagu dilay midna lagu dhaawacay, isagoona digniin adag u diray dadka caadeystay falalka la xariira dilalka dadka shacabka ah.

“Waxa aniga aan ka hadlay ka mid ma ahayn in la dilo dadka shacabka ah, waxaan caddeeynayaa in Birimageedada ku jirin waxa la dilayo, carruurta iyo dumarka kuma jiraan. Dadka birimageedada ah waxaa loo baahan yahay in la xannaaneeyo oo laga saaro howsha shidada ah ee Shabaab ku jiraan, Mowduucaas waxaan rabaa inaan saas u qeexo, ninkii waxaan ka hadlay wax aan ahayn ka shaqeeyay, aniga la iguma dabaqi karo, Soomaali inay fahamtaa rabaa” ayuu yiri gudoomiye Jeyte.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa imaanaya, kadib xiisad ka abuurantay dhacdada ciidanka Macawiisleeyda ay ku beegsadeen hoyga sarkaal ka tirsan Shabaab, islamarkaana ay ku dileen wiil dhalinyaro ah oo sarkaalkaasi uu dhalay mid kalana dhaawac culus ay u geysteen, waxaana dhacdadaasi labadii maalin ee lasoo dhaafay si weyn looga hadal haayay guud ahaan gobolka Hiiraan, maadama ay tahay arin ugub ku ah howlgalada ka socda Hiiraan ee lagula dagaalamayo Shabaab.