4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2022
Askari katirsan ciidanka Hirshabeelle oo qof shacaba u dilay toban kun oo Shilin Soomaali ah
 

Talaado, November, 29, 2022 (HOL) - Askari katirsan ciidanka Hirshabeelle oo ka howl galayay isbaaro sharci darro ah oo kutaal degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa qof shacab ah oo darawal ah u dilay lacag lagu sheegay toban kun oo shilin Soomaali ah.

Falkaan oo dhacay saakay waaberigii ayaa yimid markii darawalka oo watay gaari Hoomey oo safar ah iyo askariga dilka geysanaya uu dhex maray muran ka dhashay bixinta boqolkun oo shilin Soomaali ah, halka darawalku uu sheegay inuu bixinayo sagaashan kun.

Maydka darawalka ayaa muddo saacado ah yaalay kantaroolka Balcad, sidoo kalena darawaliin iyo dad shacab ah oo ka carooday dilka loo geystay Darawalka, ayaa iskusoo bax ka sameeyay goobta uu dilka ka dhacay.

Dhinaca kale, maamulka dagmada Balcad ayaa soo qabtay eedeysanaha, waxaana la wareegay maxkamada ciidamada qalabka sida, iyadoo usii gudbisay hay'adda dambi baarisa CID.

Falkan ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in la qaado isbaarooyinka gobolka Shabeellada dhexe, isagoo faray in tallaabo laga qaado cid kasta oo iskudayda in ay ummadda u dhigato jidgooyo.