4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2022
Xoghayaha degmada Kaxda oo qarax ka badbaaday

Talaado, November, 29, 2022 (HOL) - Xoghayaha maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, Ibraahim Muxudiin Macow, ayaa maanta ka badbaaday qarax miino oo lagula eegtay agagaarka Isbitaalka Mercy ee ku yaalla waaxda koowaad ee jeneraal Liiq liiqato.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in wax khasaara ha uusan ka dhalan qaraxa, balse burbur uu gaaray gaariga xoghayaha.

Kooxda al-Shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse fahfaahin kama aysan bixin.

Qaraxa ayaa imaanaya maalin kaddib markii  kooxda al Shabab ay weerar ku qaadeen hotel Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhinteen siddeed qof.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sidiiq Aadan Doodishe, ayaa xaqiijiyay in ciidanka dowladda ay soo badbaadiyeen 60 qof oo shacab ahaa oo kooxda al Shabab ay ku heysteen hotelka.