4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 29, 2022
Midowga Afrika oo qorshaha dib u dhigida dhimista ciidamada ATMIS u gudbiyay golaha ammaanka
 

Talaado, November, 29, 2022 (HOL) - Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in dhimista ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ay billaabanayso bisha June ee sannadka 2023.

Sida uu dhigayay qorshaha dhimista tirada ciidamada midowga Afrika ee ATMIS, waxay ahayd in ay 2,000 oo askari bisha soo socota ee December, ka saaraan Soomaaliya.

Laakiin, daldaloolo ka yimid dib u dhiska ciidamada Soomaaliya ee loogu talagalay in ay la wareegaan amniga kaddib bixitaanka ATMIS, ayaa loo sababeynayaa dib u dhaca ku yimid qorshaha dhimista ATMIS.

Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, ayaa sheegay inuu u qaatay go'aankan kororka ku yimid weerarada Alshabaab ee Soomaaliya iyo codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, oo ah in dhimista ciidanka ATMIS ay billaabato bisha June, 2023.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qorshahan loo gudbiyay ayaa laga sugayaa inuu ansixiyo go’aanka dib loogu dhigay dhimistada ciidamada ATMIS, iyo sidoo kale inuu tixgeliyo maalgelin dheeraad ah oo loogu talagalay ATMIS, si ay u wajaho saameynta muddo kordhinta.