4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 28, 2022
Dowladda Itoobiya oo cambaareysay weerarkii ka dhacay Hotelka Villa Rose ee Muqdisho
 

Isniin, November, 28, 2022 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii maalinimadii shalay ahayd ka dhacay Hotelka Villa Rose ee u dhawaa hoyga Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ay gaysteen kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta.

Warkan oo lagu xusay bogga Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in Itoobiya ay garab istaagi doonto dowladda Soomaaliya, si ay uga caawiso la dagaallanka kooxda Al Shabaab.

Itoobiya ayaa horey waxay u sheegtay in Soomaaliya ay ka caawin doonto arrimaha nabad galyada sida la dagaallanka kooxda Al Shabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in wakhti xaadirkan ay Ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin meelo kamid ah Soomaaliya, si ay u sugaan amniga Soomaaliya.

Itoobiya iyo Soomaaliya oo ah labo dal oo deris ah isla markaana wadaagga xuduud aad u dheer, ayaa waxaa ka dhaxeeya wada shaqayn dhinacyo kala duwan ah oo ay ugu horreyso arrimaha dhinaca amniga ee labada dhinac, iyadoo arrinta kooxda Al Shabaabna ay tahay mid labada dowladoodba ay xooga saaraan sidii la isooga kaashan lahaa la dagaallanka Al Shabaab oo xiliyo hore isku dayay inay soo galaan dalka Itoobiya.