4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 28, 2022
Wariyeyaal iyo saraakiil ka tirsan ciidanka ATMIS oo Maanta Tababar uga furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar


Isniin, November, 28, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar Tababar ku saabsan doorka nabada iyo si taxadar leh u tabinta khilaafaadka uu uga furmay ilaa 18 wariye oo ka kala yimid Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug, Puntland iyo Soomaaliland.

Tababarkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ, Xarunta Qaahira ee Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka, Nabad ilaalinta iyo Nabad Dhisidda ee CCCPA iyo howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya jooga.

Barnaamijkan Maanta la furmay xarunta CCCPA ee Qaahira waxaa taageeraya dowladaha Sweden iyo Japan oo ka saacida Midowga Afrika sidii nabad looga aslaaxin lahaa geyiga Soomaaliya.

Safiiradda dalka Masar u jooga dalalka Soomaaliya, Japan,  Sweden iyo madax kale ayaa kasoo qeyb galay furitaanka tababarkaan Maanta Magaalada Qaahira uga furmay 18-ka wariye ee ka kala yimid Banaadir, dowlad goboleedyada dalka iyo saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS.

Masuuliyiintii kala duwana ee goobta ka hadashay ayaa waxay bogaadiyeen horumarka ay sameyneyso dowladda Soomaaliya iyo shacbakeeda, iyagoona wariyaasha tababarka loo furay ugu baaqay iney kaalin weyn ka qaataan tabinta arrimaha wanaagsan ee horseedi kara nabadgalyada.