4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 28, 2022
Ciidanka dowladda oo soo afjaray weerarkii hotel Rays ee magaalada Muqdishu

Isniin, November, 28, 2022 (HOL) - Ugu yaraan siddeed qof oo mid kamid ah uu yahay askari ka tirsan ciidanka dowladda, ayaa ku dhintay qarax iyo weerar kooxda al Shabab ay ku qaadeen hotel Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sidiiq Aadan Doodishe, ayaa xaqiijiyay in ciidanka dowladda ay soo badbaadiyeen 60 qof oo shacab ahaa oo kooxda al Shabab ay ku heysteen hotelka.

Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa ku sugnaa hotelka la weeraray, maadaama uu ku yaallo nawaaxiga Madaxtooyada, islama markaana ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Weerar oo socda ku dhowaad 12 saacadood ayaa ku bilowday qarax, kaddibna waxaa xigay koox hubeysan oo gudaha u galay dhismaha hotelka. Weerarka oo bilowday xalay 8:00 habeennimo, ayaa la soo afjaray gleinkii dambe ee maanta oo Isniin.

 Sidiiq Aadan Doodishe, ayaa shirkiisa jaraa’iid ku sheegay in lix dagaallame oo ka tirsan al Shabab ay soo qaadeen weerarka, iyadoo la dilay shan ka mid ah, halka midka kalana uu is-qarxiyay.

Al Shabab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka.

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii bishii May, 2022, kooxda al Shabab ayaa weerartay saddex hotel oo ka ah hotel Villa Rosa oo caawa la weeraray, hotel Xayaat oo la weeraray bishii August, 19, 2022 iyo hotel Tawakal ee Kismaayo oo la galay bishuu October, 23, 2022.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]