4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 28, 2022
Dowladda Soomaaliya oo baaraysa ajaanib muddo sanado ah u afduubnaa Alshabaab
 

Isniin, November, 28, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa su’aalo weydiinaysa la haystayaal u dhashay dalalka Pakistan iyo Iran, kuwaas oo laga helay meel u dhow dhulka ay xukumaan Al-Shabaab.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, Sadiiq Duudishe, ayaa sheegay in raggan oo kala ahaa 14 iiraaniyiin ah iyo lix Pakistani ah, ay gacanta ku soo dhigeen, ka dib markii ay si lama filaan ah uga soo ambabaxeen qayb ka mid ah deegaanada Maamulka Galmudug oo ay gacanta ku hayaan Alshabaab.

“Dadkan qaarkood waxay Al-shabaab afduubteen sannadkii 2014-kii, halka kuwo kalena laga afduubay xeebta Xarar-dheere bartamihii sannadkii 2019. Afar ka mid ah waxay qabaan dhaawacyo jireed,"  ayuu Doodishe ku yiri hadal uu soo saaray.

Ma cadda qaabka ay ku timid raggan in la sii daayo, iyadoo booliiskuna aysan bixin faah faahin intaas dhaafsiisan, inkastoo ay sheegeen inuu baaritaan ku socdo.

Maamulka degmada Hobyo oo raggan gacanta ku haya ayaa sheegay in ajaaniibta su’aalo la weydiinayo.

"Weli waxaan ku wadnaa baaritaanno 20-ka nin ee la soo qabtay, kaddib markii ay ka yimaadeen deegaan ay maamulaan Al-shabaab," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Hobyo, C/llaahi Axmed Cali.

Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in raggan ay afduubteen kooxaha burcadbadeedda ah, ayna usii gudbeen Al-shabaab.

2020, saddex kalluumaysato Iiraaniyiin ah oo la rumeysan yahay inay ahaayeen la haystayaashii ugu dambeeyay oo ay gacanta ku hayeen burcad-badeed Soomaaliyeed ayaa la sii daayay shan sano oo ay haysteen.