4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 28, 2022
Guddoonka baarlamaanka oo dib-u-dhigay kulankii wadajirka ee labada aqal

Isniin, November, 28, 2022 (HOL) - Guddoonka labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa shaaciyay dib-u-dhigista kulankii wadajirka labada aqal ee baarlamaanka, kaas oo maanta ka dhici lahaa xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka baaqday ayaa ahaa akhrinta 1-aad ee miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2023.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa bartamihii bishan ansixiyay $967.7 oo ah miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2023.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, ma aysan faahfaahin ujeedka baaqashada kulanka.

Balse, falanqeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa aamin in baaqashada kulanka ay la xiriirto weerarka al Shabab ay ku qaadeen hotelka Villa Rosa oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ah, kaddibna rag hubeysan ayaa galeen hotelka.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiikh Doodishe, ayaa sheegay in hotelka laga soo badbaadiyay dad shacab ah iyo masuuliyiin.

Wasiirro iyo xildhibaanno ayaa ku sugnaa hotelka la weeraray, maadaama uu ku yaallo nawaaxiga Madaxtooyada, islama markaana ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]