4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 28, 2022
Hogaamiyayaasha mucaaradka Somaliland oo shacabka fariin u diray
 

Isniin, November, 28, 2022 (HOL) - Hogaamiyayaasha mucaaradka Somaliland ayaa shacabka uga digay hogaaminta madaxweyne Biixi.

Fariimo ay ku baahiyeen warbaahinta Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, shacabka ugu baaqeen in ay ka digtoonaadaan hogaaminta madaxweynaha.

"Dadka Somaliland waxan leeyahay tuu soo wado hadaynaan ka tashan, meel aynaan kasoo kaban ayay ina gaadhsiinaysa, ka baxa qabyaalada, reer reerka iska daaya farta laysku fiiqayo, qof xuni nina uma dan aha, markaa hala dig toonaado, yaan laydin kala qayb qaybin" Guddoomiye Faysal ayaa sida yidhi.

Musharax Cirro ayaa isna shacabka usoo jeediyay in ay ilaashadaan nabadgalyada iyo wada-jirka, wuxuuna dhinaca kale, ugu baaqay shacabka in ay diidaan wixii xaqdaro ah ee xukuumadu ula timaado.

"Guud ahaan shacbiga Somaliland si guud waxan ugu baaqayaa in ay walaalnimadooda iyo wada-jirkooda iyo nabadadoodaba ilaashadaan ... midnimadiinana ilaashada, dalkiinana ilaashada, xaqdaradana diida, sharci daradana diida" ayuu yidhi Cirro.

Faysal iyo Cirro waxay Alle jano uga baryeen dhalinyradii ku geeriyootay mudaharaadadii, iyaga oo sheegay in cadaalada la horgayn doono cidii dishay, oo aan laga hadhi doonin, sidookale dhalinyarada xidhan ayay adkaysigooda ku amaaneen.

Waxa ay sheegeen in xukuumadu dad faro madhan, oo aan hubaysnayn ay si badheedha u laysay, oo waliba ay ku laysay halkii ay iyadu u astaysay in ay ku banaan baxaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]