4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 27, 2022
Qarax iyo rasaas laga maqlay nawaaxiga madaxtooyada Soomaaliya

Qarax hore oo ka dhacay magaalada Mogadishu.

Axad, November, 27, 2022 (HOL) – Kooxda al Shabab ayaa caawa weerar ku qaaday hotelka Villa Rosa ee ku yaalla aagga Godka Jilacow iyo madaxtooyadda Villa Somalia ee magaalada Muqdishu.

Dad goob-joogayaal ah ayaa Hiiraan Online u sheegay in weerarka uu ku bilowday qarax, kaddibna ay xigeen rasaas foolka fool ah.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiikh Doodishe, ayaa sheegay in hotelka laga soo badbaadiyay dad shacab ah iyo masuuliyiin, ciidamada amnigana ay wadaan howgallo lagu soo afjarayo weerarka.

Kooxda al Shabab ayaa sheegtay in ay weerartay hotelka Villa Rosa, balse lama ogga khasaaraha.

Wasiirro uu kamid yahay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Dr. Doodishe ayaa ku sugnaa hotelka Villa Rosa, halka wasiirka Diinta Sheekh Mukhtaar Robow uu deganyahay nawaaxiga.

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii bishii May, 2022, kooxda al Shabab ayaa weerartay saddex hotel oo ka ah hotel Villa Rosa oo caawa la weeraray, hotel Xayaat oo la weeraray bishii August, 19, 2022 iyo hotel Tawakal ee Kismaayo oo la galay bishuu October, 23, 2022.

Warkan oo ah mid degdeg ah wixii kusoo kordha halkan kala soco.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
hassanistiila@hiiraan.com