Axad, November, 27, 2022 (HOL) – Kooxda al Shabab ayaa
caawa weerar ku qaaday hotelka Villa Rosa ee ku yaalla aagga Godka Jilacow iyo madaxtooyadda
Villa Somalia ee magaalada Muqdishu.
Dad goob-joogayaal ah ayaa Hiiraan Online u sheegay in weerarka
uu ku bilowday qarax, kaddibna ay xigeen rasaas foolka fool ah.
Afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiikh Doodishe,
ayaa sheegay in hotelka laga soo badbaadiyay dad shacab ah iyo masuuliyiin, ciidamada
amnigana ay wadaan howgallo lagu soo afjarayo weerarka.
Kooxda al Shabab ayaa sheegtay in ay weerartay hotelka Villa
Rosa, balse lama ogga khasaaraha.
Wasiirro uu kamid yahay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya
Dr. Doodishe ayaa ku sugnaa hotelka Villa Rosa, halka wasiirka Diinta Sheekh
Mukhtaar Robow uu deganyahay nawaaxiga.
Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii bishii May,
2022, kooxda al Shabab ayaa weerartay saddex hotel oo ka ah hotel Villa Rosa oo
caawa la weeraray, hotel Xayaat oo la weeraray bishii August, 19, 2022 iyo hotel Tawakal ee Kismaayo
oo la galay bishuu October, 23, 2022.
Warkan oo ah mid degdeg ah wixii kusoo kordha halkan kala
soco.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
hassanistiila@hiiraan.com